Tema modersmål - somaliska

Aragtida Vygotskij ee mahnajka waxbarasho

Skriv ut

vygotgManhajka waxbarasho ee wadankan Sweden waxa uu aad u taageersan yahay habka wax-gudbineed ee loo yaqaano aragtidii Vygotskij. Vygotskij waa nin ruush ah oo noolaa (1896-1934) daraasadna ku sameeyey sida uu u arko uguna fiican ee ilmaha wax la barayo wax loo gaadhsiin karo, taasoo wadamo badan oo ree galbeed ahi ay aad ugu riyaaqeen kuna saleeyeen habkooda waxbarasho, waxana ka mid ah dalkan Sweden oo manhajkoodu

 

uu aad u taageersan yahay habkan waxbarasho. Vygotskij waxa uu aaminsan yahay ma jiro ilma aan wax barain karin, mana jiro ilma u dhashay in ay ku adag tahay inuu wax barto- dabcan waxa laga hadlayaa qof ku dhashay caafimaad- waxase hadba ayku xidhan tahay qofku inta uu isagu dhaq-dhaqaaq sameeyo ee uu la yimaado dadaal. Waxa uu aaminsan yahay in marka hore loo diyaariyo wixii ilmaha ka caawin lahaa ama u fududeny lahaa waxbarashada. waxa uu soo qaadanayaa tusaalooyin fara badan. Buug uu qoray Leif Stranberg ayaa si fudud u sharxaya aragtida Vygotskij. Waxa kale oo aad ka akhrisan kartaa doodda kale oo arintan ku saabsan boggan..
 

Online resurs

lexin_logo

bildteman_logo

matte-begrepp