Tema modersmål - somaliska

Shirka barayaasha ree Norway

Skriv ut
grandhotel Waxa maalinta khamiista ah ee bisha Abriil 8-da ka dhici doona Grand Hotel oo ku yaalla magaalada Larvik ee dalka Norway shirkii barayaasha afka hooyo ee Norway. Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee ay isugu yimaadaan barayaasha afka hooyo ee dalka Norway ayaa waxa ay barayaashu isku dhaafsan doonaan waaya aragnimada ku saabsan dhigida afka hooyo, horumarka laga sameeyey iyo wixii caqabada ahaa ee ka hor yimidba. Waxa Hadalo ka soo jeedin doona soomali aqoon u leh dhigida afka hooyo iyo manhajka dalka Norwey u deganba. Waxa kale oo iayaguna ka hadli doona shakhsiyaad ka socda degmada Larvik iyo kuwo kale oo ka socda Tema morsmål ee dalka Norwey. Waxa kale oo shirkan lagu marti qaaday Guddida bogga waxbarasho oo iyaguna la qeybsan doona waaya aragnimadooda barayaasha ree Norwey. Iyada oo dalkan Sweden hadda ay marayaan kulankoodii 13-aad. Waxa lagu soo bandhigi doona iyana qalab waxbarasho oo ay soo diyaariyeen qorayaal kala duwan oo noocyo kala duwan ah. Barnaamijka shirka iyo sida uu u dhacayao ka akhriso halkan.
 

Online resurs

lexin_logo

bildteman_logo

matte-begrepp