
Waxaa dhowaan lagu soo gabagabeeyey magaalada Larvik ee dalka Norway shirkii ugu horeeyey eee noociisa ah ee ay isugu yimaadaan barayaasha afka hooyo ee dalka Norway.
waxa kasoo qeyb galay in ka badan 50 macallin oo isugu jira kuwa luqada soomaaliga ka dhiga dugsiyada dalka Norway iyo kuwo kale oo carruurta ka caawiya sidii ay laba luqadood (soomaaliga iyo norwegian) ugu fahmi lahaayeen maadooyinka ay ku baranayaan dugsiyada dalka. waxa kale oo iyaguna goob joog ahaa mas`uuliyiin ka kala socotay degmada Larvik, wasaaradda waxbarashada iyo khubaro kale oo soomaali ahba, hadalana ka jeediyey shirka. Waxa aad loogu dheeraaday muhiimada uu afka hooyo u leeyahay qof kasta oo noole ah iyo sidii la isku gargaarsan lahaa si looga caawiyo ardayda soomaaliyeed ee deggan dalka barashada afkooda hooyo. Waxa shirka lagu marti qaaday hadalana kasoo jeediyey Macallin jaamac oo horena u ahaan jiray Macallin jaamacaddii lafoole, ka dibna qabtay maamulka qeyb ka mid ah kulliyadda jaamacadda, haddana ka howl gala dugsiyo ku yaalla dalka Norway, macallina ka ah koorsadda tababarka macallimiinta Norway oo la shaqeeya macallin Gaarriye. Jaamac oo aad loogu boggay hadaladii uu goobta kasoo jeediyey.Intaa ka dib waxa iyana kulamadii koox-kooxda loo shaqeynayey lagu lafa guray mushkilladaha horyaalla barashada afka hooyo ee dalka Norwey iyo sidii wax looga qaban lahaa. Barayaashii ka socday dalka Sweden ayaa iyaguna kasoo jeediyey sida ay la tahay una gudbiyey waayo aragnimada dheer ee dalkan Sweden uu u leeyahay dhigista luqadaha dadka u soo haajiray dalkan.

