Waxa maalintii ay bisha oktoobar aheyd 2011-10-22 la soo gaba-gabeeyey shirkii barayaasha afka hooyo ee wadamada waqooyiga yurub oo sannadkan lagu qabtay magaalada Helsinki ee caasimada dalka Finland.
Shirkan oo sannadle ah oo sannad walba la qabto ayaa waxa lagaga wada hadlaa horumarinta luqada sommaliga iyo sidii ay barayaashu u heli lahaayeen talooyin ku saabsan sidii ay hore ugu marin lahaayeen habka dhigida luqada. Waxa sannad walba lagu martiqaadaa shirka khabiir aqoon u leh xaga cilmiga luqadaha.
sannadkan oo barayaasha reer af soomaaliga ee reer Finland ay marti geliyeen waxa uu ahaa mid si fiican oo agaasimay oo howl iyo kharash badanba lagu bixiyey. Barayaashau waxay dageen goob wax yar bannaanka ka ah magaalada oo ay hurdo, cunto iyo goobta shirkuba diyaar ku ahaayeen. waxa waqti loo helay inla kala faa`iideysto oo aqoon la isweydaarsado gaar ahaan marka uu shirku dhamaado waqtiyada fiidkii. Waxaa lagu soo bandhigay maadaysyo ka turjumaya nolosha qurbaha iyo dadkeena soomaaliyeed ee u soo haajiray. Waxay runtii aheyd mid qosol iyo oohinba ay is barbar socdeen marka aad dhageysato. Waxay taabanaysay guud ahaan carruurta dugsiyada iyo doorka waalidka, gaar ahaan aabaha. Waxa soo diyaariyey oo soo bandhigay Barayaal Maxamed-deeq oo loo yaqaan Haldhaa, Yuusuf Xasan iyo Cabdicasiis Yuusuf.

