Rajooyin aad u fiican oo bushaarooyin wata ayaa dib ugu soo noolaaday afka hooyo, kadib markii ay ardayda jaamacadda Hargeysa gaar ahaan kulliyadda ITC soo saareen dhowaan qaamuus af-soomaali ah oo elektrooni ah. Waa barnaamij. Waa barnaamij kumbuyuutar oo si fudud aad uga helayso erayga aad raadinayso.

