Furitaanka xaflada waxa ka soo qeyb galay dad badan oo ku xeeldheer af-soomaaliga, maamulka jaamacadda Hargeysa iyo arday dhigata jaamacadda hargeysa oo ay ka mid yihii kuwii soo diyaariyey barnaamijkan. Waxaa hadallo ka jeediyey kuna dheeraaday hiilka uu maanta afkeena hooyo u baahan yahay iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in afka laga ilaaliyo inuu dabar go` Gudoomiyaha jaamacadda Muuse Cabdi Biixi, Abwaan Hadraawi iyo mukhtaar Cabdi Sheekh oo ku haflayey afka dhalinyarada soo saartay barnaamijkan oo ka waramay wixii ay la kulmeen intii ay ku guda jireen soo saarida barnaamijkan isaga oo mahad balaadhana u celiyey macallinkii waqtigiisa qaaliga ah u hurey in uu dhalinyarada baro cilmigan oo la`aantiis aanay suurto gasheen soo saaridda barnaamijkan kumbuyuutar ee maanta gacanta lagu hayo.


