Tema modersmål - somaliska

Dhaqanka

Skriv ut

dagaalkaasi wuxuu markii dambe isu bedelay dagaal sokeeye oo aan waxba la isula hadhin, waxaanse hadda halkan doonayaa in aan wax ka idhaahdo wax kastaaba dagaalka ama burburka sobob ha u ahaadeene raadka dhaqan ee uu ilaa hadda dagaalku inagaga tegay.
Dadka soomaalida waxa dhaqan fiican u ahayd is martigelinta iyo soo dhoweynta oo ah dhaqan fiican oo aynu islaamnimada ka dhaxalnay, taas waxaad moodaa maanta in ay ka horeyso yaad tahay inta aan laguba marti soorin.

Dhimashada dadka oo noqotay wax aad u fudud oo aan qiimo badan lahayn in lagu dilo oo marmar la iskuba shiish barto.
Waxase kaba sii daran waxyaabo badan oo dhaqanka soomaalida iyo dadka muslimiinta ahba aan ka suurto gelin oo maanta si fudud uga dhaca dalka. Maqaallada ugu horeeya ee wargeysyada qaarkood gaar ahaan meelaha ay ka teliyaan qabqablayaasha dagaalku waxaad ku arkaysaa dhacdo khiyaali ah dhaqankana ku xun oo dadka looga dhigayo wax dhacay, keliya si wargeyskaasi uu suuq u helo.
Damiirkii dadka oo dhintay oo ay fududahay in lagaa iibiyo ama gado raashin ama daawo dhacday oo lagaba yaabo in aad ku dhimato cunideeda haddii alla qadaro. Waxa ka sii daran dawooyinka oo noqday sidii raashinkii in dalka loosoo geliyo, heshiisna uu dhex maro dhakhtarka warqadda qoraya iyo ninka dawada iibinaya oo qofka caafimaadkiisa laga hormariyo in ay dawaddu gadanto ama iibsanto. Waxa kale oo iyana jirta dhalin yarada oo aanay maalinta iyo habeenkuba aanay u kala soocneyn oo duhirkii halkii ay dugsiyo ka aadi lahaayeen u fadhiya oo geliya shaneemooyin iyo raggii oo iyaguna habeen iyo dharaar u fadhiya qaadka ama maandooriyaha la cuno.

Waxan iyo inkaloo badaniba waxay ahaayeen wax aanay dadka soomaaliyeed caado iyo dhaqantoona u lahayn, damiirna aanu siin jirin.

Wax kasta oo dhacaaba waa uu leeyahay faa'iido iyo khasaare, balse faa'iidada laga helay oo aan odhan karo dadka oo diintii alle usoo noqday ayaa ugu weyn waxaan inta kale uga tego doonaa bal in aad idinku raadisaan khasaare iyo faa'iidaba waxa uu lahaa.

 

Ka wada hadla su'aalahan.

1. Maxaa ka mid ah waxyaabaha dhaqankii wanaagsanaa ee soomaaliyeed ah ee imika kusii yaraanaya dalka ?

2. Haddii aad booqatay dalka soomaaliya, magaaladee ayaad booqatay maxaase kuugu yaab badnaa, maxaadse  
     ku faraxday ee qalbigaaga soo jiitay ?

 

Online resurs

lexin_logo

bildteman_logo

matte-begrepp