MIDAYNTA HABKA QORIDDA AF SOOMAALIGA
Afka kasta oo jira adduunka waxa uu leeyahay dhawaaq, la maqlo marka uu hadalku ka soo baxayo afka qofka sheegaya, iyo tusaale laga arko qofka hadalka sheegaya. Labada fal marka ay is raacaan, waxa ka dhasha faham gaar ah oo la garto ujeeddada hadlaha.