Tema modersmål - somaliska

MIDAYNTA HABKA QORIDDA AFKA

Skriv ut

 Haddii ujeeddadaa la fahmi waayo, waxa jirta fursad lagu weyddiiyo hadlaha wax ama ujeeddadiisa hadalka. Waxa kale oo jirta,haddii labada qof ee wada hadlayaa ay yihiin dad isku degaan ah oo is-hadal yaqaan, waxa dhaci karta in ay ku wada hadlaan af aan uu qofka meel kale ka yimi la fahmi karin. Tusaale ahaan, haddii labadaa qof ee isku degaanka ah, uu mid ku yidhaahdo ka kale, iyaga oo wax ka wada hadlaya, lana jooga qof kale oo aan isagu hore u maqlin hadalkan oo kale:

”Maxay baa kaaga shan iyo toban ah waxaa?” Qofkaa saddexaad fursad baa uu haystaa uu labadaa qof ku weyddiiyo waxa aan uu garanin. Waxa dhaci karta in arrintaasi ay u faa’iido noqoto, oo uu qofkaa saddexaad barto ereyga ku cusub ee uu maqlay. Waxa kale oo jirta, in dadku isha ka wada hadli karaan oo is fahmi karaan. Waa la isu gacan-haadin karaa, oo la is fahmi karaa. Marka qof uu damco in uu wax qor, waxa jira dad badan oo aan u fiirsan ereyada ay qorayaan.

Waxa ay dadkaasi u qoraan hadal sida ay u hadlaan marka ay dadka kale ee ay is-kaftan yaqaaniin

la hadlayaan. Tusaale ahaan, waxa aynnu eegeynnaa hawraaraha hoos ku qoran oo aan ka soo

dheegey qoraallo ku soo baxay mareegaha kala duwan:

1. Kubadda Cagta ma ahan cayaaraha kaliyah ee Soomaaliya laga cayaaro sidaas
    awgeed ilama ahan in la qaban karo tartan cayaareed oo aan dhameen. Waa
    kubadda Cagta sida ka muuqata qoraalka, xiriirka K.Cagtuna ma aha Olombigada.
  Marna lama dhaafi karo xaqiiqada.

2-   Markii la’isku dhajiyey waxaa soo baxay macne ah xukunkii dadka ama maamulkii
    dadka oo xanbaarsan aragtida ah inay taladu ka’go’do dadka oo ayaga waxay rabaan ay hirgalin wixii kalena ay diidii  karaan.
Tusaaleyaasha kor ku qoran, ereyada aan faaxiyey, sida: ahan, kaliyah, ilama ahan, dhameen, lama, la’isku, ka’go’do iyo  ayaga waxay, waa ereyo, sida muuqata, aan ay qoreyaashu fahmin waxa ay yihiin. Sida ay ugu dhawaaqeen baa ay u qoreen, iyaga oo aan ka fekerin in waxa ay qorayaan erey keli ah yahay iyo in kale.    Sidaa awgeed, ayaa aan jeclahay in aynnu helno hab lagu midaysanyahay oo Afka loo qoro.


QABYANNIMADA QORAALKA AF SOOMAALIGA
Sida ay aniga ila tahay, aqoon waxa u horraysa marka aad waxa jira ogaatid. Marka aad waxa jira is weyddiisidna, fekreddii dareenka joogtey baa aad ka dhigtay dhab. Dood mar hore qoreyaashu xidhiidhka mareegaha kaga doodeen, oo uu soo jeediyey qore Ibraahin oo loo yaqaanno Hawd, waxa la isla soo hadal-qaday astaamaha muujinaya in Afku uu qobyoyahay. Waxa aan anigu had iyo goor ku doodaa in ay jiraan hab aqooneed loo maro dhismaha Afka oo kala ah (1) Aqoonta DHismaha Afka (ADHA), iyo (2) Aqoonta DHismaha Ereyga (ADHE), oo aan mid walba goonidiisa uga faalloonayo.


AQOONTA DHISMAHA AFKA (ADHA)
Aqoonta DHismaha Afku (ADHA) waa habka ereyadu isu raaci karaan si hawraar dhammi u
dhisanto. Waa aqoon tusaysa 3 arrimood oo kala ah (1) Is-raaca saxa ah ee ereyada ku jira
hawraarta. (2) Garashada erey waliba qaybta uu yahay, sida: fal, magac, magac-u-yaal, fal-kaab,
tilmaan, meeleeye, xidhiidhiye, bishle, qaylo ama godadle. (3) Sababaha keena is-beddelka ku
dhaca ereyada hawraarta. Saddexaa arrimood waa kuwo isku xidhan, fasiraaddoodana aynnu ku arki doonno hoos.


(1)     IS-RAACA SAXA AH EE EREYADA KU JIRA HAWRAARTA
Is-raaca saxa ah ee ereyada ku jira hawraarta af Soomaaligu waxa uu u dhismaa saddex hab oo
kala ah: (1)Hawraar-jirrideed fal, tusaale ahaan, sida: Cali waxa uu akhriyaa buug hadda. (2)
Hawraar-jirrideed tilmaameed. tusaale ahaan, waa sida: Cali waa macallin hadda. Iyo (3)
Hawraar-laameed, tusaale ahaan, sida: Cali marka uu wax-barto, oo ah hawraar aan keligeed
gooni isu taagi Karin. Faahfaahinta saddexdaa qaybood, waxa aynnu derseynnaa sida soo socota.

(b)    Hawraar-jirrideed fal, tusaale ahaan, sida:
(b)    Cali waxa uu akhriyaa buug hadda.
(t)    Waxa uu Cali akhriyaa buug hadda.
(j)    Buug ayaa uu akhriyaa Cali hadda.
(x)    Buug ayaa uu Cali akhriyaa hadda.
(kh)    Buug baa uu Cali akhriyaa hadda.
(d)    Buug baa uu akhriyaa Cali hadda.
(r)    Cali ma aan uu akhriyo buug hadda.
(s)    Ma aan uu akhriyo Cali buug hadda.
(sh)    Ma aan uu akhriyo buug Cali hadda.
(dh)    Cali waxa aan uu akhriyeynin buug hadda.
(c)    Waxa aan uu akhriyaynin Cali buug hadda.
(g)    Waa nin guri leh Cali.
(f)    Cali waa nin leh guri.
(q)    Waa nin macallin ah Cali.
(k)    Cali waa nin ah macallin.
(l)    Cali waa nin aan lahayn guri.
(m)    Cali waa nin aan ahayn macallin.

Haddii aynnu u fiirsanno hawraaraha kor ku qoran, waxa ay dhammaantood yihiin hawraar-jirrideed yeelmo ama diidmo. Waxa ay dhammaantood leeyihiin oo ay ka simanyihiin saddex arrimood oo shardi u ah ereyga falka ah. Sidaa awgeed, ayaa aynnu ugu magacawnay hawraarahan hawraar-jirrideed fal. Saddexdaa arrimood waxa ay    kala yihiin: (b) In ay hawraartu leedahay xidhiidhiye unke ah, sida: ayaa, baa, ma, waxa iyo waa. (t) In ay hawraartu leedahay fal leh wakhti,dhacdeed, sida: akhriyaa.Iyo ugu dambayn (j) In ay hawraartu leedahay fale. Falahaa waxa u taagnaan kara magac, sida Cali; ama magac-u-yaal qofeed, sida isaga ama isagu; ama qeexe fale sida uu. DHammaan hawraaraha kor ku qoran waxa aynnu aragnaa in mid walba dhawr siyood loo qori karo, iyada oo aan uu macnaha hawraarta waxba iska beddelin. Hababkaa kala duwan ee ay hawraar waliba u qormi karto ayaa lagu magacaabaa xidhiidhinta ereyada hawraarta.


(t)    Hawraar-jirrideed tilmaameed. tusaale ahaan, waa sidan hoos ku qoran:
(b)    Cali waa macallin hadda.
(t)    Waa macallin Cali hadda.
(j)    Hadda waa macallin Cali.
(x)    Waa Soomaali dadkaasi.
(kh)    Dadkaasi waa Soomaali.

Hawraar-jirrideed tilmaameed waa hawraar unkaheedu yahay unkaha waa. Waa hawraar aan lahayn fale, qeexe fale iyo fal toonna. Waa hawraar ka kooban la-faaqide iyo tilmaan. Hawraarta caynkan ah waa mid ay wakhti-dhacdadeedu tahay joogto ama hadda, oo isu beddeli karta hawraar-jirrideed fal haddii uu wakhtiga dhacdadu is beddelo.

(j)    Hawraar-laameed, tusaale ahaan, waa hawraar aan keligeed gooni isu taagi karin
       sidan hoos ku qoran
(b)    Cali marka uu wax-barto, ……...
(t)    Marka uu Cali wax-barto, ……...
(j)    Cali haddii uu wax-barto, ……..
(x)    Haddii uu Cali wax-barto, ……..
(kh)    Haddii uu Cali wax-baran lahaa, ……..
(d)    Sida ay macallimiintu wax u baraan ardayda, …….
(r)    Macallimiintu sida ay wax u baraan ardayda, …….
(s)    Intii aan uu Warsame magaalada ka dhoofin, …...
(sh)    Warsame intii aan uu magaalada ka dhoofin, …...
(dh)    Meeshii ay Faadumo kugu aragtay dorraan, ………..
(c)    Faadumo meeshii ay kugu aragtay dorraan, ………..

Haddii aynnu u fiirsanno hawraaraha kor ku qoran, waxa aynnu aragnaa in ay yihiin hadal aan uu macnahiisu dhammayn oo hawraar walba uu wax ka maqanyahay. Hawraar walba waxa ka maqani waa hawraar-jirrideed macnaha dhammaystiri lahaa oo ka dhigi lahaa hawraar-lammaan ama hawraar-dhan. Hawraar-jirrideedkaasi waa uu ka horrayn karaa ama waa uu ka dambayn karaa hawraar-laameedka. Hawraaraha dhiman ee aynnu kor ku soo marnay ayaa la yidhaahdaa hawraar-laameed. Ereyada marka, haddii, sida, sidii, intii, inta, meesha, meeshii goorta, goortii iwm, waa xidhiidhiyeyaasha ah unke hawraar-    laameed.

Hawraar-laameed waa yeelmo iyo diidmo. Waxa kale oo ay leedahay, sida hawraar-jirrideedka fal, fale, qeexe fale iyo fal wakhti-dhacdo kasta ku aaddan, sida abaado oo ah wax jiri jirey; dhammaato, oo ah wax jirey; dhammaato socotey oo ah wax jirayey; joogto oo ah wax hadda jira; joogto socota oo ah wax hadda iyo ka dib jiraya; iyo dhacdo timaaddo ah oo ah wax jiri doona mustaqbalka.Waxa kale oo ay noqon kartaa hawraar-laameeddu mid uu falkeeda shardi ku xidhanyahay oo ka hadlaysa wax tegey oo tabasho ah ama wax hadda iyo ka dib jooga tiigso ah.

Innaga oo ku dhaafaynna halkan qaybta 1aad oo ah is-raaca saxa ah ee ereyada ku jira hawraarta, ayaa aynnu is xasuusinaynnaa, sida aynnu kor ku soo aragnay in ay hawraartu ku bilaabmi karto unke, ama magac,ah fale ama lafale ama la-faaqide, ama fal-kaab.

(2) GARASHADA EREY WALIBA QAYBTA UU YAHAY
Sida afafka kale u leeyihiin qodadka kala duwan, shaki ku ma aan uu jiro in af Soomaaliguna sidaas oo kale u leeyahay. Hase yeesho ee, ma aan ay jirto cid ilaa hadda si tafatiran u soo saartay buug ka hadlaya qawaacidka Afka Soomaaliga inta aan ogahay. Sidaa awgeed, waa in la ogaado, la iskuna hawlo sidii loo heli lahaa mabaadii` lagu midaysanyahay oo qeexaysa inta laamood ee tusaale ahaan, uu magacu u kala baxo, sida: suke, wadar, magac meesi; ama lab iyo dheddig; ama shaqada uu magacu qabto, fale, la-fale, la-faaqide, la-cuskade iwm. Waxa aynnu ognahay in uu Afku leeyahay qodadka kala ah: magac, magac-u-yaal, fal, tilmaan, fal-kaab, meeleeye, xidhiidhiye, iyo kuwo kale, oo aan anigu buuggayga Mabaadii`da Salaynta iyo Kala DHigdhigga af Soomaaliga ku soo bandhigay.


(3) SABABAHA  KEENA IS-BEDDELKA KU DHACA EREYADA HAWRAARTA

Waxa aynnu kor ku soo sheegnay in ay hawraartu ku bilaabmi karto unke, sida waxa, ama magac,ah fale sida ”Cali waxa uu qoray …”, ama lafale sida ”Faadumo ayaa aan arkay…”, ama la-faaqide, sida ”Caasha waa gabadh ….”, ama fal-kaab, sida ”Dorraad ayaa ay Weris ku aragtay.” Hase yeesho ee marka la adeegsado magaca guud ee aqoonninka ah sida ninka ama ninku  iyo magac-u-yaalka gaar sida aniga ama anigu, iyo adiga ama adigu, waxa aynnu arkaynnaa in faraq u dhaxeeyo, loona baahanyahay in la caddeeyo sababta keentay. Tusaale ahaan, aynnu eegno faraqa u dhaxeeya hawraarahan hoos ku qoran:

1-Ninku waxa uu arkay gabadh. Iyo    2-    Ninka ayaa arkay gabadh.
1-Adigu waxa aad la hadashay nin. Iyo    2-    Adiga ayaa la hadlay nin.
Haddii aynnu u fiirsanno hawraaraha 1aad, waxa aynnu aragnaa in ereyada ninku iyo adigu ay ku weheliyaan ereyada kale ee uu iyo aad hawraaraha. Waxa kale oo aynnu aragnaa in aynnu ka tegi karno labada erey ee ninku iyo adigu iyada oo aan ay macnaha hawraaraha wax iska beddelin. Arrintaasi waa mid aan suurogeleynin haddii aynnu isku daynno in aynnu ku samaynno hawraaraha 2aad. Labadaba waxa ka maqan ereyo la mid ah uu iyo aad.

Sidaa awgeed, waxa habboon in la ogaado oo la derso sababaha keena is-beddelka ku dhaca ereyada hawraarta. Sidaas oo aynnu ku dhaafaynno hadda fekredda ah in laga faalloodo oo la derso ADHA.


AQOONTA DHISMAHA EREYGA (ADHE)
Waxa aan kor ku soo sheegay tusaaleyaal aan ka soo guuriyey qoraalada mareegaha qaarkood. Waxa ereyadaa ka mid ah : ahan, kaliyah, ilama ahan, dhameen, lama, la’isku, ka’go’do iyo  ayaga waxay. Sida aynnu wada ognahay, higgaadda af Soomaaligu, marka laga reebo hamsada (’), waa 10 shaqal iyo 20 shibbane. SHaqalada shan baa dhaadheer, sida: aa, ee, ii, oo iyo uu. SHibbaneyaashana saddex baa xarfo lammaan ah, sida: kh, sh iy dh. Anigu ra’yigayga, sida aan hor-dhaca Mabaadii`da Salaynta iyo Kala DHigdhigga af Soomaaliga ku caddeeyey, waxa ay iigu muuqataa in xarfahaas loo adeegsado in mid waliba yahay xaraf keli ah si kasta oo loo adeegsado. Tusaale ahaan in loo qoro: AAdan, DHool, SHamis, KHadiija, EEbbe iwm. Qoraha u qoray ereyga ahaan ”ahan”, waa in uu saxaa. Sidaas oo kale, kaliyah waa dhawaaq ka dhashay dhawr erey oo isku xiga oo kala ah: keli ah. “ilama ahan” waxa ay u taagantahay  ila ma aan ay aha, “i” oo qeexe la-fale ah, “la” qeexe fale maqan, “ma” unke hawraar-diidmo, “aan” oo qalab diidmo ah, “ay” qeexe fale iyo “aha” fal diidmo oo dhacdadiisu tahay joogto. Lama, la waa qeexe la-fale, ma-na waa unke hawraar-diidmo; la isku mana dari karo oo waa in la kala qoraa. la’isku waa dhawaaq wada socda, laakiin waxa loo qoraa: la isku, oo u taagan sida aynnu hore u soo sheegnay: “la” qeexe fale ah, “is” magac-u-yaal ku-noqosho ah, iyo “ku” meeleeye ah. ka’go’do waa ka meeleeye ah iyo go’do oo ah  fal dhacdadiisu tahay joogto, oo loo qoro ka go’do. Ayaga waxay waa in loo qoro iyagu waxa ay.

DHinaca kale, barashada salaynta ama qawaacidka af Soomaaliga, qofba sida uu u yaqaanno, waxa habboon in aynnu ogaanno faraqa u dhaxeeya falka iyo tilmaan fal-dheeg oo ah tilmaan ka soo jeedda fal, hase yeesho ee magaca ka-horeeya wax ka sheegta. Tusaale ahaan, ”Ninku waxa uu cabbayaa biyo.” Ereyga cabbayaa waa fal dhacdadiisu tahay joogto. Hase yeesho ee ”Nin cabbaya biyo ayaa aan arkaa.” Ereyga cabbaya waa tilmaan fal-dheeg wax ka sheegeysa nin.

Arrimaha kale ee jira, ee loo baahanyahay in la isla garto waxa ka mid ah qoridda, tusaale ahaan: tafatiri ama tafaftiri oo sida aan fahamsanahay la macno ah si wanaagsan u samayn ama dhammaystiri. Halka ay cidhibtiri ay la macno tahay baabiin ama dhammayn. Ereyada taf ama tafa ama tafaf iyo cidhib waxa ay u taaganyihiin meel. Waa fal-kaab meeleed. Tiri waa fal-jirrideed 2 codle (F1 2c). Sidaa awgeed waa la isku dari karaa fal-kaab iyo fal, sida hor-kaci, hoos-mari, barbar-geli, daba-socon.

Gunaanad ahaan, marka laga hadlayo fekredda ADHE, waxa habboon in loo sameeyo qawaaniin qoraalka af Soomaaliga. Sidaa awgeed, Mabaadii`da Salaynta iyo Kala DHigdhigga af Soomaaligu waxa ay dejisey qawaaniintan hoos ku qoran:


1.Magac guud, lab iyo dheddig ama  suke iyo wadar midka uu doono ha noqdo ee waxa baarahaan u raaci kara: qodob sida buugga, tilmaan lahaansho sida buuggayga, iyo tilmaan tusmo sida buuggaa.

2.Magac-lammaan waxa magaca laga horraysiin karaa xidid xarriijini (-) u dhaxayso sida kor-u-kac, wax-barasho ama waxa magaca laga dambaysiin karaa baar xarriijini (-) u dhaxayso sida hanti-goosad.

3.Magac-u-yaal gaar wax aan bishle ahayn lagu ma dari karo, anigana, adigase, idinkaba. Magac-u-yaal qeexe fale sida aan, aad, uu iwm waxa ay baar ahaan u raaci karaan xidhiidhiye unke hawraar-jirrideed sida ayaa, baa, waxa, waa iwm. Magac-u-yaal qeexe la-fale sida i, ii, kuu, idin, idiin iwm waxa ay baar ahaan u raaci karaan xidhiidhiye unke hawraar-jirrideed sida ayaa, baa, waxa, waa iwm. Magac-u-yaal ku-noqosho fale sida is, kala, iyo wada iwm waxa ay baar ahaan u raaci karaan magac-lammaan sida wada-tashi, is-arag, kala-dambay iwm.

4.Falku waxa uu leeyahay furfur u gaar ah oo ay saameeyaan falaha hawraarta iyo wakhti-dhacdadu, sida cabbayey oo ah fal uu yahay falahiisu suke lab oo laga-hadle ah, wakhti-dhacdadiisuna dhammaato. Hase yeesho ee sida aynnu kor ku soo sheegnay, waxa keli ah ee xidid ahaan falka ka hor-mari karaa waa fal-kaab iyo magac-u-yaal guud, tusaale ahaan sida hor-mari iyo wax-qaban. Meeleeye inkasta oo uu had iyo jeer ku xigo kana horreeyo falka, haddana lagu ma dari karo.

Ugu dambayntii waxa aan ku soo gunaanadayaa, iyada oo ay badanyihiin qawaaniinta ay ka dejisey Mabaadii`da Salaynta iyo Kala DHigdhigga af Soomaaligu qoridda ereyada af Soomaaliga iyo sida ay isugu xidhmaan, in aan uu qorahu wax iska qorin isaga oo aan ka fiirsan waxa uu qorayo ereyadu waxa ay yihiin.  


Qore: Cumar Xaaji Bile AAdan

Den här e-postadressen är skyddad från spamrobotar. Du måste tillåta Javascript för att visa e-postadressen

 

Online resurs

lexin_logo

bildteman_logo

matte-begrepp