oo kala ah.Hadal iyo Hawraar. Si kastaba ha noqotee waxaad mooda in loo badan yahay qeybinta hore ee ah in afka lagu hadlo loo qeybiyo Tix iyo tiraab:
Waa maxay tixdu ?.
Tixdu waa hadal ka duwan hadalka caadiga ah ee lagu sheekaysto oo habdhis iyo qaafiyad uu raaco leh. Waxa ka mid ah Gabayga, Geeraarka, Guurowga,iwm.
Waa maxay tiraabtu ?
Tiraabtu waa hadalka caadiga ah ee aan ku qasbanayn inuu raaco qaafiyad ama miisaan loogu tala galay. Waana hadalka aynu maalin walba ku hadalo ee caadiga ah.

