Intii aan af-soomaaliga la qorina waxa ay dadka soomaaliyeed wax isugu qori jireen marka ay wax qorayaan luqada carabiga oo ah luqada uu ku qoran yahay kitaabka quraanka kariimka ahi, soomaaliduna waxa ay u safri jireen meelo laga so barto diinta islaamka sida dalka sucuudiga oo ay markaa af-carabi wax kusoo baran jireen, waxa kale oo dadku marka ay waraaqaha qorayaan ay isticmaali jireen luqadaha dowladihii Soomaaliya soo gumeystay sida Faransiiska, Ingiriiska iyo Talyaaniga.
Af ka soomaaligu mar haddii uu ahaa mid aan qoreyn muddadaa dheer waxa ka mid ah wixii ay dadka soomaaliyeed wax isugu gudbin jireen o ay ku ilaalin jireen taariikhooda sheekooyinka.
Waxa caadi ahayd in habeenkii inta xoolaha la lisayo ay hooyadu carruurta u sheekayn jirtay oo habeen walba sheekooyin kala duwan uga sheekayn jirtay carruurtana taas ayaa u ahayd maktabad lagu ilaaliyo taariikhda Soomaaliyeed, sidaa darteed sheekooyinku door muhiim ah bay ka qaateen keydinta iyo isku gudbinta dhaqanka iyo taaiikhda soomaaliyeed.
Sheekooyinka qaarkood waxa ay tilmaami jireen geesinimo oo ay ujeedadoodu ahayd in carruurta la baro geesininmada, qaar kalena daacadnimo, qaar kalena waxay ahaayeen qaar carruurta loogu soo gudbinayo dhaqan diimeed. Waxay shekooyinkaasi noqon karaan kuwo dhacay sida sheekadii Cigaal shiidaad oo la aaminsan yahay inuu ahaa nin jira ama sheekooyin aan dhicin laakiin xambaarsan hadaf iyo ujeedooyin kale sida Cumar beenaale iyo kuwo kale oo badan.
Halkan ka degayso George Kapchits oo hadlaya kaalinta ay sheekooyinku kaga jireen barashada luqada.

