Haddii laga saaro xarfaha shaqallada Afsoomaaliga wuxuu luminayaa macnihii loola jeeday, hase yeeshee Afka carabigu uu xajisanayo asagoo aan waxba iska beddelin, lana fahmayo ujeeddadii laga lahaa. Afkani waxaa aad u saaciday in uu suulin asagoo aan qorneyn, dadka Soomaaliyeed oo u badan dad bulsho-hadaleed ah (oral society), taas ayaana ka badbaadisay mowjadihii afafka shisheeye ee dhinacyada badan kaga soo butaacay, kuwaas oo ahaa kuwo soo jiray qarniyaal badan iyagoo qoran. Arrintaasna waxaa loo nisbeyn karaa, Afsoomaaliga oo ah af qani ah oo la soo ban-baxay suugaan iyo qaab naxweed aad u xooggan oo aan qorneyn. Inta badan Soomaalidu waxay dhambaalladooda isugu gudbiyaan qaab suugaaneed iyo murti, iyagoo weliba danta ay leeyihiin si qurux badan u gaarsiiya bulshada una qanciyaan. Dadka u kuur gala baarista afafka qaar ka mid ah ayaa waxay rumeysan yihiin in Afka soomaaligu uu ka mid yahay afafka adduunka ugu faca weyn oo ilaa xad ay garab dhigayaan afka Gariigga iyo kuwo kale.
Cilmi baadhis lagu sameeyey muddo hore Ahraamta dalka Masar ayaa waxaa laga helay sawirro fartii hiirogalifikada (Hieroglyphic) ahaa oo markii ay dadkii aqoonta u lahaa fasireen noqotay Far soomaali aan lahayn shaqallo. Farta Hiirogalifikada ma lahayn shaqallo, waxaana la helay sawir hangool ah oo markii la fasiray ay soo baxday H N G L. Intaas oo kaliya maahee waxa la helay qof afka kala haya oo sidii wax uu dhawaaqayo ah, markii la fasiray wixii ku qornaa waxa soo baxday H S oo ah hees maaddaama aan soo sheegnay in fartaasi aanay lahayn shaqallo.
Afka soomaaligu waxa uu leeyahay shibbaneyaasha soo socda oo aanay afafka adduunku wada lahayn kh, sh, dh, c, iyo g. Hindiya iyo inta ay la deriska ah oo ku faana afafka taariikhda weyn leh wuxuu la wadaagaa shibbanaha dh oo qofka soomaaliga ee baranaya Afka hindiga ku dhawaaqiddiisu dhib kuma aha, waayo wuxuu u badan yahay xarafka dh. Sidoo kale waddammada carabta oo cid kasta og tahay taariikhda Af carbeedka oo ay ilaa xad diimuhu ku soo dageen, waxaan la wadaagnaa xarfaha kh, sh iyo c oo innoo sahlaysa in aan sidooda ugu hadalno markii aan afkooda baranayno.
Waddamada reer galbeedka waxaan la wadaagnaa oo aan dunida intooda kale kaga duwan nahay xarfaha t iyo g oo qofku marka uu barto af kasta oo ka mid ah kuwa reer galbeedka waxa uu ugu dhawaaqaa sida qofkii u dhashay afkaas. Haddaba dad badan ayaa rumaysan in af soomaaligu sababahaas awgood uu ku jiro afafka faca weyn ee taariikhda leh.

